774 Views

Suuragal ma tahay in Golaha Shacabka u ogolaado muddo kordhinta madaxtooyada & Baarlamaanka kahor Shirka Dhuusamareeb3?

Suuragal ma tahay in Golaha Shacabka u ogolaado muddo kordhinta madaxtooyada & Baarlamaanka kahor Shirka Dhuusamareeb3?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-Golaha Shacabka BFS oo ku guda jira kalfadhigii ugu dambeeyay ee muddo-xileedkiisa ayaa meelmariyay hindise-sharciyeedyo ku saabsan doorashooyinka 20/21, tiro badan oo kamid ah xubnaha Golaha Shacbaku waxa ay si gaar ah u riixayaan aragtida madaxweyne Farmaajo ee ah in nuuca doorashooyinka Waddanku ay noqoto qof iyo cod, balse Shirkii Dhuusamareeb 2 waxa ka soo baxay kuna heshiiyeen DG & xukuumadda dhexe labada qodob oo ay si weyn u taageersan yihiin madaxda Dowlad-goboleedyada, Aqalka sare & Beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in haatan dalka ay ka dhici karto doorasho dadweyne si looga gudbo mid dadban oo lagu soo dhigay Dowladda haatan talada heysa, waxaana ay si cad u sheegeen Xildhibaannada iyo Guddoonkooda in halis nafeed ka dhalatay ergada wax dooraneysa.

Qodobo dhowr ah ayay Aqrin, Dood iyo codeyn geliyeen, inkasta oo Golaha Aqalka sare BFS oo loo gudbiyo xeerarka iyo qodobada Golaha Shacabka mara ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen ansixinta Aqalka Shacabka.

Guddoomisada Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa golaha u bandhigtay bilo dheeraad ah oo ku eg Agoosto sanadka soo socda 2021-ka oo haddii loo ogolaado ay ku hirgelin karaan Codeyn Dadweyne.

Xildhibaannada iyo Guddoonkooda ayaa si cad u sheegay in aysan dooneyn in wadanka ka dhacdo doorasho dadban, ka qaybgalayaasha halaga badiyo tiradii hore iyo ama sidoo horayba lagu soo celiyaba.

Waxaa soo baxay tuhun ah in Golaha Shacabka iyo Madaxda DFS ay doonayaan waqti dheereysi, inkasta oo labada dhinacba ay iska fogeeyeen, balse waxa ay Xildhibaannada qaarkood qireen in aan laga maarmeen biyo kooban oo howsha doorashada lagu dhameystirayo, taasina ay sameyn jireen Dowladii Dalka soo maray tan iyo 2000.

Dhuusamareeb waxaa lagu ballansan yahay 15-ka Bishaan Agoosto 2020-ka in uu ka dhaco Shirka Dhuusamareeb-3 oo ay is hor fadhiisanayaan Madaxda DFS iyo DG, inkasta oo Golaha Shacabka waxba kama jiraan kasoo qaaday kulamadii 1-aad iyo 2-aad.

Sida Mustaqbal ay kasoo xigatay ilo xog ogaal ah oo katirsan laanta Xeer dajinta, Golaha Shacabka waxa uu sii wadi doonaa doodda, codeynta iyo guda gelista qodobada dhiman ee doorashada madaxa la galaya.

Waxaana ay sheegeen in ay suuragal tahay in maalmaha soo socda Xildhibaannada cod geliyaan dalabkii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka ee ahaa in loo ogolaado bilaha dheeraadka ah si ay u guda galaan qabashada Doorashada Dadweyne.

Madaxda DG oo kulanka 7-cishe kadib lagu wado in uu ka dhaco Xarunta Galmudug ayaa aamminsan in waqtiga harsan aan lagu qaban Karin Doorasho qof iyo cod ah, balse DFS laga doonayo in ay hirgeliso nuuc doorasho oo fudud oo aan u baahaneyn waqti kale.

Haddaba, Suuragal ma tahay in Golaha Shacabka ay ogolaadaan waqtiga dheeraad ah ee Doorashada ku qabanayaan Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka oo ay ka dalbadeen 27-kii June 2020 kahor Shirka Dhuusamareeb-3?

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post