237 Views

Kenya oo shaacisay magacyada shan nin oo ay sheegtay in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab

Kenya oo shaacisay magacyada shan nin oo ay sheegtay in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Sabti: February 11, 2023 

Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada shan nin oo ay sheegtay in ay xubno ka yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo ay boolisku raadinayaan.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarro laga geystay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Bogagga Baraha Bulshada ee Laanta Dambi Baarista Kenya ayaa lagu faafiyay magacyada la tuhunsaneyaasha oo kala ah:

  • Ramadhan Hamisi
  • Issa Abdalla Ahmed
  • Ahmed Omar Said
  • Maalim Yussuf Hassan Abdullahi
  • Maalim Abbas

Kooxda Al shabaab yaa horay loogu eedeeyay in ay weerarro ka fuliyeen deegaanno ku yaalla Waqooyiga iyo Xeebaha Kenya, kuwaasoo lagu beegsaday dad rayid ah, ciidamada amniga iyo xarumaha dowladda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post