411 Views

Ciidanka Ukraine oo hakiyey kuwa Ruushka iyo rajada wadahadallada oo shaki laga muujiyey

Ciidanka Ukraine oo hakiyey kuwa Ruushka iyo rajada wadahadallada oo shaki laga muujiyey
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022


Waxaa shaki laga muujiyey sii socoshada wadahadallada u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ka dib markii madaxweynaha Ukraine uu sheegay in ay adag tahay in nabad la gaaro xilli ay dadka dalkaasi aad uga careysan yihiin xad-gudubyada la sheegay in ciidanka Ruushku ay geysteen. Isla xiligaas ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushku uu sheegay in cunaqabateynta reer Galbeedku ay saareen dalkiisa iyo hubka ay Ukraine u soo dirayaan ay wadahadallada dhibaateynayaan, sida uu u sheegayin Radio Free Europe/Radio Liberty.

Ciidamada Ukraine ayaa Sabtidii dagaal la galay kuwa Ruushka si ay u hakiyaan ciidanka Ruushka ee ku sii fidiya koonfurta iyo bariga dalkooda. Ruushka ayaa doonaya inuu qabsado gobolka warshadaha ku caan baxay ee Donbas. Falanqeeyeyaal dhinaca militariga ah oo reer Galbeed ah ayaa sheegay in duullaanka Ruushku uu gaabis yahay marka loo eego sidii markii hore loo qorsheeyey.

Xilli Sabtida maanta ah uu Ruushku sheegtay in inuu duqeeyey tiro ka badan 380 bartilmaameed oo ku yaalla magaalooyinka dhinaca bari ee Luhansk iyo Donetsk ee gobolka Donbas ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Ukraine uu sheegay in dadaalada militariga Ruushku uu ku doonayo in goobahaas ku qabsado aanay “ahayn kuwo guuleysanaya – dagaalkuna uu sii socdo.”

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa hadal uu Jimcihii telefishanka ka jeediyey ku sheegay in ciidanka Ukraine ay dib u qabsadeen tuullo istaraatiijiyad ahaan muhiim ah, halkaasna ay ka soo daad gureeyeen boqolaal dad shicib ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post