681 Views

Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay Xeeb ku taal Koonfur Afrika

Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay Xeeb ku taal Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 10, 2021 —Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska dalkaas ay meydka muwaadin Soomaaliyeed ka heleen Xeebta dhabarka dambe ee Khayelitsha iyo M/Plain oo ku taal Magaalada Cape Town.

Taliyaha Booliska degaanka Khayelitsha Captain Suleman ayaa sheegay in dilka muwaadinka Soomaaliyeed loo adewgsaday Tooreey ama Mindi, isla markaana ay meydka ku wareejiyeen C/qaadir Karakuus oo ah Madaxda Bulshada Soomaalida ee degaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska degaanka Khayelitsha ee Nagaalada Cape Town ay baaritaan ku hayaan daskii ka dambeeyay dilka iyo sababta ka dambeeysa dilka Muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika oo ay ku sugan yihiin Soomaali farabadan ayaa waxaa inta badan Soomaalida loogu geystaa dhibaatooyin ay kamid yihiin, dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post