825 Views

Maxkamada sare ee Kenya oo mamnuucday in la qaato card-ka Huduma Nunber sharci darana ku tilmaantay.

Maxkamada sare ee Kenya oo mamnuucday in la qaato card-ka Huduma Nunber sharci darana ku tilmaantay.
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

  Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in maxkamada sare ee Kenya ay mamnuucday in la qaato iyo in la daabaco barnaamij la magac baxay Huduma oo ah aqoonsi Card- oo la galay 2019-kii Bilihii ugu danbeeyay.

Barnaamijkan Huduma Nunber  oo laba Qeyb ahaa ayaa la maray sanadkii 2019-kii waxaana loo kala qaybiyay sadax qaybood, qeyb dadka Kenyanka ah oo ku galayay ID- ama Pasapor, Qolo cararka Qaxootiga ee Elyanka ku galaayay ama Mandate-ka,  iyo dadka kale oo watay Pasaporada ajnapiga oo si iskood u galaayay ayaga oo aan la qasbin ama lagala hadlin warbaahinta Kenya.

Huduma Nunber ayaa la waydiinaayay qofka Su’aalo ay ka mid ahayd meesha uu dagan yahay Hanti waxa uu leeyahay iyo waxyaabo kale, waxaana laga qaadaayay faro iyo sawiro indha ah, waxaana arintaas dhan laashay Maxkamada sare ee Kenya.

Sidoo kale maxkamada ayaa ku diiday arintaan, arimo badan oo ay ka mid tahay in faraha la qaaday loo isticmaali karo in farahaas loo badasho kuuro, doorashada soo socto, taasi oo shaki badan dhalisay.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa usbuucyo ka hor ka hortimid barnaamijkii BBI oo uu watay Uhuru Kenyata, waxanya tani ku tahay Mar kale dhabar jab siyaasadeed Madaxweynaha Xilka haatan hayo oo raba in uu mesha ka saaro Sanadka soo socda madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rutu, asaga oo raba in uu dhiso Odinga si uu u Noqdo Raisal wasaare Uhuru oo uu meesha ka saaro darajada madaxweyne ku-xigeen si uu u Noqdo Uhuru Raisal Wasaare Odingana u Noqdo Madaxweyne asagana Raisal Wasaare, maadaama ay dhamatay 10-kii sano ee uu xaqa u lahaa in uu Noqdo Madaxweyne.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post