1107 Views

Dowladda Libiya Oo Sheegtay In La Sii Dayn Doono Muhaajiriinta Ku Xiran Dalkaasi

Dowladda Libiya Oo Sheegtay In La Sii Dayn Doono Muhaajiriinta Ku Xiran Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Fatxi Bashaga ayaa sheegay inay Dowladiisa ka baaraan degayso sidii loo xiri lahaa Xarumaha lagu hayo Muhaajiriinta, sababo la xiriira Ammaankooda, kadib, weerarkii ka dhacay Xeradda Tajoora ee lagu dilay, laguna dhaawacay Muhaajiriin fara badan.

Wasiirka waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Xiriiriyaha QM ee Arrim,aha Samafalka, Maria Ribeyro, wuxuuna Wasiirku ku baaqay in Muhaajiriinta kuwooda nugul dib u dejin loogu sameeyo dalal Saddexaad, maadaama ay Ammaanka Libiya uu haatan yahay mid aad u liita.

 

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay ku baaqeen Xababd-joojin ka dhaqan gasha Liibiya iyo inay dhamaan dalalka Caalamka xushmeeyaan Cunaqabataynta hubka ee saaran dalkaasi iyo inay joojiyaan Faragelinta Arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Golaha oo xalay kulan kale yeeshay waxay cambaareeyeen duqeyntii Diyaaradaha ee lala beegsaday Xraunta lagu hayo Muhaajiriinta ee Tujuura ee Bariga caasimadda dalka Libiya ee Tripoli.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment