1182 Views

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed madoobe oo kismaayo kula kulmay Saraakiil Maraykan ah

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed  madoobe oo  kismaayo kula kulmay Saraakiil Maraykan ah
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubaland.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post