327 Views

Burcad Farsamo Yaableh Dad Shacab ah ku Dhacaayay oo Degmada Holwadaag lagu Soo Qabtay Xalay

Burcad Farsamo Yaableh Dad Shacab ah ku Dhacaayay oo Degmada Holwadaag lagu Soo Qabtay Xalay
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18 2023

Rag Burcad ahaa oo dadka ku dhaceyay xaafadaha ayaa xalay  lagu qabtay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa caawa howlgal ku soo qabtay labo ka mid ah burcadda kuwaasoo Bastoolado caag ah dadka dhac ugu geysanayey.

Labada nin ee burcadda ah ayaa lagu qabtay nawaaxiga isgoyska Degmada Howlwadaag xili ay ku guda jireen iney shacabka ka dhacaan telefanada gacanta iyo agabka kale ee qiimaha leh.

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho Howlgalka Ka dhanka ah burcadda tuugada ah ee Bulshada caasimada dhibka ku haya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post