1236 Views

Meydadka Marxuumiinta Lagu Dilay New Zealand Oo Maanta La Aasayo Iyo Magaca Marxuumkii U Horeeyey Oo La Shaaciyey

Meydadka Marxuumiinta Lagu Dilay New Zealand Oo Maanta La Aasayo Iyo Magaca Marxuumkii U Horeeyey Oo La Shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 16, 2019 – Qabanqaabadda Aaska 49-kii Marxuum ee shalay lagu dilay toogashadii ka dhacday 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ayaa la bilaabay in maanta la aaso.   Boqolaal qof oo tiiraayeysan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Munaasabadda Aska qeybtii ugu horreysay Marxuumintaasi.

Inta badan Marxuuminta ayaa ka soo kala jeeda dalalka Bariga dhexe, Geeska Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoo Marxuumkii 1-aad ee magaciisa la shaaciyo uu u dhashay dalka Afganistan.

Xaaji Daa’uud Nabi oo  isagoo magangelyo-doon ah soo galay dalka New Zealand sannadkii 1977-kii ayaa ka mid ahaa Marxuumintii shalay lagu dilay weerarka ka dhacay Masjidka ku yaalla Christchurch.

Mid ka mid ah carruurtiisa oo lagu magacaabo Yama Xaaji Daa’ud ayaa sheegay in Aabihiisa oo u degdegayey Salaadda Jimcaha ayuu la kulmay Toogasho ka socotay Masjidka gudihiisa, taasi oo keentay inuu ka mid noqdo Muslimiintii ku shahiiday weerarkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Boliska dalka New Zealand weli  si rasmi ahaan uma aysan shaacinin magacyadda  49-ka Marxuum ee lagu dilay toogashadaasi iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

 

 

 

 

.

Xafiiska Qaranimo Online |Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment