720 Views

Haweenka Dhuusamareeb oo ku baaqay joojinta colaadda ka taagan Balanbale

Haweenka Dhuusamareeb oo ku baaqay joojinta colaadda ka taagan Balanbale
____________________________________________________________________________


khamiis: February 3, 2022

Haweenka magaalada Dhuusamareeb oo yeeshay kulan ayaa ku baaqayay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Dagaalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey Deegaanno Hoostaga Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Haweenka Dhuusamareeb Dahabo Aadan Maxamuud iyo ku-xigeenkeeda Xaliimo Axmed Kaariye oo ugu horayn ka hadlay Madasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda, isla markaana waxkasta lagu dhameeyo miiska wada hadalka.

Qaar ka mid ah Xubnaha Ururka Haweenka ayaa iyaguna codsaday in Dadkaas Dagaalamaya Ciidamo la kala dhexdhigo si Xabadda loo joojiyo, Dagaal dambana uusan u dhicin.

Baaqa Haweenka magaalada Dhuusamareeb ayaa ah kii ugu horeeyey oo ka yimaada Bulshada, laguna dalbanayo in Dagaalka Qasaaraha badan dhaliyey lagu joojiyo si sharuud la’aan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post