1710 Views

Soomaali lagu dilay dagaal ay la galeen Canfarta Itoobiya

Soomaali lagu dilay dagaal ay la galeen Canfarta Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 30-2019 —Dagaalkaan ayaa Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya waxaa uu Saacadihii la soo dhaafay ku dhex-maray deegaanka Alaale oo hoostaga Gobolka Siti ee Ismaamulka Soomaalida,waxaana lagu dilay dad u badan Soomaali oo qeyb ka ahaa dagaalkaas.

 

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii dhinaca Canfarta iyaga oo gacan ka helaya jabhad ka jirta deegaankaas ay Soomaalida soo weerareen,hayeeshee ay iska caabiyeen.

 

Barkhad Diiriye oo ka mid ah dadka deegaannada lagu dagaalamay ayaa u sheegay BBC-da in dagaalkaas lagu dilay 14 Ruux oo Soomaaki ah 7 kalena lagu dhaawacay,isla markaana ay la wareegeen tuulada Alaale inteeda badan oo ay deganaayeen dad Xoolo Dhaqato ah.

 

Waxaa uu sheegay in Canfarta ay mar walba dadka xoolo dhaqatada ah ku hayaan weeraro joogto ah,isla markaana ay doonayaan dhul balaarsi,hayeeshee dadka deegaanka ay inta badan iska difaacaan,sidoo kalena laga cabsi qabo in markale uu dagaal dhaco.

 

Ugu dambeyn Ismaamulka Soomaalida ayuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen Gurmadkii looga baahnaa,waxaana uu ka dalbaday inay taageero dhinaca Caafimaadka ah ay soo gaarsiiyaan si looga baaqado in dadka qaarkood ay dhaawacyada u dhintaan.

 

Horay ayaa waxaa u jirtay in dagaalo xoogan ay dhex-maraan Soomaalida iyo Oromada ku wada nool Itoobiya, hayeeshee haatan uu dagaal cusub ka dhex bilaawday Soomaalida iyo Canfarta kuwa wada nool Itoobiya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment