3528 Views

Shirka wada tashiga qaran ee ku saabsan doorashooyinka ee maanta furmay.

Shirka wada tashiga qaran ee ku saabsan doorashooyinka ee maanta furmay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8 December2015: Maanta ayaa lagu wadaa in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka furmo shirka wada tashiga heer qaran ee looga hadlayo doorashooyinka sanadka 2016, waxaana shirkan ka soo qeyb geli doona Madaxda dowladda Federaalka, madaxda Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan xukuumadda, kuwa maamul goboleedyada, xildhibaano beesha caalamka iyo qeybaha bulshada kala duwan.

Shirkan ayaa looga hadli- doona habka doorashoyinka ee Soomaaliya ka dhici karta sanadka 2016, iyadoo lagu soo bandhigi doono fikrad uruurintii laga sameeyay shirarkii ka dhacay gobolada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furi doona shirka madasha wada tashiga heer qaran, waxaana uu socon doonaa muddo labo maalmood, iyadoo looga tashanayo mustaqbalka Soomaaliya iyo marxalada kala guurka ah sida looga gudbi karo.

Madaxda maamul goboleedyada sida, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyana lagu wadaa inay khudbad ka jeediyaan, isla markaana ka hadlaan ra’yi uruurintii laga sameeyay deegaanadooda ee ku aadan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016.

Waxaa jira kala aragti duwanaan u dhaxeysa xubnaha Madasha wada tashiga qaran, iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isku fikrad ka yihiin in doorashada 2016 ay noqoto qaab deegaan, halka Koofur Galbeed iyo Galmudug ay soo jeediyeen in lagu saleeyo nidaamka 4.5.

Si kastaba ha ahaatee bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2016 ayaa la filayaa in la soo bandhigo qaabka doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo la isku raaco qodob oo ah afarta qodob ee miiska saaran in kastoo ay dhib badnaaneyso si doorasho xalaal ah ay u dhacdo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment