1134 Views

Diblomaasiyiin ka socota Mareykanka, Britain,Faransiiska iyo Jarmalka oo shir looga hadlayo heshiiskii Niyukleerka Iran ee ku yelanaya Paris

Diblomaasiyiin ka socota Mareykanka, Britain,Faransiiska iyo Jarmalka oo  shir looga hadlayo  heshiiskii Niyukleerka Iran ee ku yelanaya Paris
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Diblomaasiyiin sarsare oo ka kala socota Mareykanka, Britain,Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu wadaa in ay maanta shir isugu yimaadaan magaalada Paris si dib loogu soo nooleeyo heshiiskii Niyukleerka Iran ee 2015-kii.

Wadahadallada ayaa ku soo beegmaya iyadoo toddobaad uun ay ka harsantahay xilligii kama dambeysta ahaa ee ay Iran qabsatay in looga qaado cunaqabateynada ka hor inta aysan ka bixin heshiiskii niyukleerka ee ay la galeen waddamada reer galbeedka sannadka markuu ahaa 2015-kii.

Waqtiga ayaa si xawli ah usocdo waxayna dalalkan ku raja weyn yihiin inay xal u helaan mudddadaasi yar ee ka hartay xilliga ay Iran ku hanjabtay inay ka baxayso heshiiska.

Heshiiskan 2015-kii ayaa loo arkayay inuu yahay hormar dhanka siyaasadda ah oo uu sameeyay maamulkii madaxweynihii hore Mareykanka Barack Obama

Waxaa looga gol lahaa in lagu xakameeyo hormarinta Niyukleerka Iran oo xawli ku socday, waxaana Iran lagu qanciyay si ay u joojiso tallaabooyinkaasi in laga qaadayo cunaqabateenada caalamiga ah ee saarnaa, hase yeeshee 3 sannadood ka hor ayuu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donadld Trump ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi.

Markaasi ka dib ayay xukuumadda Washington waxay Iran ku soo rogtay cunanqabateeno haatanse madaxweynaha cusub ee Mareykanka ee Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu dib ugu biirayo heshiiskii 2015-kii ee Niyukleerka Iran inkastoo ay suurogal tahay in laga daahay.

Dowladda Iran ayaa si joogta ah u jabineysay heshiisyadaasi iyado casriyeeyneysay bacriminta maadada Uraniumka ee niyukleekeeda.

Heshiiskii 2015 ay Iiraan la gaartay dalalka Mareykanka, Britain, Fransiiska, shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa waxaa uu horseeday inay Iran xaddido howlaheeda Niyukleer, iyada oo ku badalanaysa in cunaqabateynta laga qaado.

Balse markii uu xukunka Mareykanka la wareegay Donald Trump ayaa waxaa uu gabi ahaanba isaga baxay heshiiskaasi.

Dhanka kale xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iraan ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ay Mareykanka dileen Janaraal Qasem Soleimani, oo ahaa abaanduulihii xoogagga Quds.

Taasi baddelkeedana, madaxweynaha cusub Joe Biden ayaa caddeeyay in Mareykanku uu doonayo sidii uu dib ugu noqon lahaa heshiiskii nuclear-ka Iiraan ee la saxiixay sanadkii 2015-kii, kaasoo micnihiisa uu noqon karo in laga noqdo go’aankii cunaqabateynta loogu soo rogay Iiraan, sidoo kalena la fasaxo lacagaha Tehran ka xayiran si taas baddalkeeda ay iyaguna heshiiska ugu hoggaansamaan.

Dowladda Iiraan ayaa mar walba ku adkeysata in barnaamijkeeda nuclear-ka uu yahay mid nabad ah, laakiin tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay ku xoojisay bacriminta uranium-ta – oo ah arrin kasoo horjeedda heshiiskii 2015-kii – ayaa abuurtay cabsi dheeraad ah iyo qeylo dhaan.

Warar bishii November ee sanadkii la soo dhaafay kasoo baxay magaalada Washington ayaa sheegayay in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu weerarro waaweyn la beegsan doono ka hor inta aysan la hadlin la taliyeyaashiisa oo ku boorriyay in uusan tallaabo noocaas ah qaadin.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post