1074 Views

Taliyaha booliska Dhuusamareeb oo ku tilmaamay AhluSunna kuwa la mid ah Al-shabaab kadib Askartii maanta ay ku dileen dhuusamareeb.

Taliyaha booliska Dhuusamareeb  oo ku tilmaamay AhluSunna kuwa la mid ah Al-shabaab kadib  Askartii maanta ay ku dileen dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dilkii ay maanta xubno ka tirsan AhluSunna labo askari oo ka tirsaneyd ciidanka Gor Gor ugu geysteen bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha booliska Dhuusamareeb Maxamed Mire oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa kooxda Ahlusunna ku tilmaamay kuwo lamid ah Al-Shabaab oo caadeystay dhiigga qof kasta oo ka aragti duwan.

“Askartii maanta waxaa dilay kooxo burcad ah oo qowleysato ah, magaca diinta ayey ku qaraabanayaan, sida argagixisada Al-Shabaab oo kale,” ayuu yiri Taliye Maxamed Mire.

Waxuu sheegay in askarta la dilay oo shacabka ku dhex jirtay, kana timid furimaha hore ay beegsadeen rag ka tirsan Ahlu-Sunna oo si dhuumaaleysi ah magaalada ku soo galay.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Waxaa goobta lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Gor Gor, waxayna wateen gaari Cabdibile ah, kaas oo maanta la geeyey deegaanka Bohol oo ah fariisinka ugu weyn ee Ahlu-Sunna.

“Umadda reer Galmudug waa inay ku baraarugaan qatarta kooxdaas sheeganeysa Ahlu-Sunna Waljamaaca, waalidiinta waxaan leenahay ka reebta caruurtiina, waad aragtaan sida ay u baneysteen dhiigga islaamka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliye Maxamed Mire.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 10-ka bisha ay magaalada Dhuusamareeb ka bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah hubka sharci darrada ah, isagoo qofkii aan ka maarmin hubka ugu baaqay inuu ka soo sharciyeysto wasaaradda amniga Galmudug.

  • Office Nairobi Kenya 
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post