1314 Views

Qalalaasaha Ethiopia meesha ma kasaari karaa Rejada MW Farmaajo ee xilli-madaxeedka 2aad?

Qalalaasaha Ethiopia meesha ma kasaari karaa Rejada MW Farmaajo ee xilli-madaxeedka 2aad?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 8da Maarso, 2021:Faragelinta & Saameynta xun ee dowladaha derisku ku yeeshaan doorshooyinka Soomaaliya waa qeybta ugu weyn marka laga hadlayo saameynta  guud ee ay dowladaha Shishiyeeye  ku leeyihiin siyaasadda Waddanka, sida ay fahamsan yihiin falanqeeyeyaasha natiijooyinka doorashooyinka madaxtooyada Soomaaliya laga soo billaabo 2000 waxaa go’aamiya taageerada Ajanabiga! waxa ay dhan u riddaa taageeradaasi hadba kooxda ama musharraxa hela  sida laga bartay doorshooyinkii 2000 Carta, Djibouti, 2004 Mpgahti, Kenya, 2009 Djibouti, 2012 & 2017 Muqdisho.

Marka laga reebo 2004 oo Kenya lagu soo doortay Allaha u naxariistee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Yeey oo Ethiopia xulufo & gacansaar  la lahaa, marna madaxtooyada Soomaaliya kuma  guuleysan koox ay Itoobiya taageerto ama  Xabasho-kalkaal ah.

Xiriirka Ethiopia iyo Kenya oo xilligaas hagaagsanaa iyo jaangooyeyaasha siyaasadda Soomaaliya oo ahaa hoggaamiye kooxeedyo taageero ka heystay taliskii legesse Zenawi Asres oo isbiirsaday ayaa loo tirinayaa guusha kaliya ee Ethiopia ka gaartay siyaasadda Soomaaliya, waana tan ku dhiirrigelisay in ciidamadada difaaca Qaranka Ethiopia (Ethiopian National Defense Force) ay cagaha dhigaan caasimadda Soomaaliya, taas oo uga dhignayd dowladda xabashida riyo dhabowday kaddib kumanaan sano oo Ethopia ku taameysay in ay ciidan & awood ahaan tagto magaalada faca-weyn ee hortaagnayad kumanaankaas sano in AdisAbaba noqoto Qiblada siyaasadeed iyo awoodda fulineed ee muran la’aan kajirta bariga Afrika, Waaya-aragga Itoobiya gelidda ciidanka Itoobiya ee Caasimadda Soomaaliya  waxa ay u arkayeen Libaaxnimada ay sheegato Adis-Ababa oo rumowday kaddib taageerada laga helay dad Soomaali ah muuqaal ahaan hayeeshee ku shaqeeye maskax iyo garaad Itoobiyaan.

Faragelintii ciidan ee Ethiopia ku gashay Soomaaliya December-2006 waxa ay u horseedday xabashida in ciidan ahaan ay awood u yeelato  joogitaan xoog lehna ka sameysato gudaha Waddanka Soomaaliya iyada oo 14 sano kaddib ayy su’aali ka taagan tahay kaalinta ciidanka Itoobiyaanka ah ee katirsanayn Amisom ay ku yeelan karaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Joogitaanka ciidanka Ethiopia & doorashooyinka Soomaaliya!

Sida uu Mustaqbal Media u sheegay Mac-hadka Hiraal oo ka faallooda Nabadgelyada geeska Afrika ku dhowaad 10 kun oo Askari oo Itoobiyaan ah oo isugu jira kuwa ka tirsan Holwgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa aan kamid ahayn ayaa jooga oo kusugan ciidda Soomaaliya, ciidankaas ayaa ku dherersan dhulka ay Ethiopia ula baxday “aagga danaha Ethiopia” (Ethiopian Interest Zone), oo ah dhulka ku teedsan xad-beenaadka ay Soomaaliya la wadaagto gaar ahaan Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya (Galgaduud, Hiiraan, Bakool, iyo Gedo), balse ku jiritaankooda ciidamada AMISOM uu gaarsiiyay in ay awood ciidan ku yeeshaan Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo qeyb kamid ah Jubaland, waloow ay AMISOM uga jiraan kaliya Qeybaha 3aad iyo 4aad.

Agaasimaha mac-hadka Hiraal Xuseen Sheekh Cali oo ma arhaa la taliyaha madaxweyne Farmaajo ee Ammaanka Qaranka ayaa yiri: “Inta aan ognahay tirada  ciidanka Itoobiyaanka ah ee aan kamid ahayn howlgalka Amisom ee  jooga dalka Soomaaliya waxbadan kama yara tirada rasmiga ah ee ciidanka Itoobiya ee katirsan howlga Amisom, waa 4500 oo Askeri, Lambarka ciidanka waa kordhiyaan marka loo baahdo! waxa ayna ku xiran tahay sida xaaladuhu u kaladuwan yihiin, tusaale marka ay jiraan ama ay fulinayaan  howlgal adag (Serious Operations) iyo  marka ay kujiraan xaaladda difaaca (defence) , hadba baahida ayay ku xiran tahay,  tusaale markii la qabanqaabinayey howlgalkii Bu’aale ciidan badan ayay Ethopia soo gelisay

Xusee Sheekh Cali ayaa u sheegay Mustaqbal media in ciidanka Itoobiyaanka kaduwan yahay ciidamada kale ee kamidka howlgalka AMISOM, agaasimaha Mac-hadka Hiraal waxa uu yiri: “Ciidanka Itoobiyaanku  ciidamada Waddamada kale waxa uu uga duwan yahay  kuluglahaanshihiisa arrimaha siyaasadda Dalka! waxa uu  ku Milan yahay Siyaasadda, Itoobiyaanku waxa ay u dhaqmaan sida in in ay yihiin ciidan qabsaday Waddanka, (Occupied forces), mar aan tegey Gedo dadka deegaanka iyo xitaa odayaasha dhaqanku waxa ay ii sheegeen in dadku ku jiraan gumeysi, Bay iyo Bakool waa ka arki kartaa sida dhaqankaas ciidanka Itoobiyaanku uga muuqdo

gobolada ay Itoobiya u taqaan  EIZ-Ethopian Interest Zone- sida  Galgaduud, Hiiraan, Bay Bakool Gedo, & Jubbada hoose ciidanka Itoobiya ee aan kamidka ahayn dalladda Amisom (Ethiopian None Amisom troops) ayaa u jooga si joogto ah, taasna waxa suuragal ah in ciidankaasi u joogo gudaha Waddanka si cabsi gelin iyo awood muujin ah.

Tirada ciidanka AMISOM oo gaareysa 19,626 oo Askari! 4,500 oo kamid ah waa Ethiopian! Genral Tigabu Yelma Wondimhunegn oo u dhashay dalka Ethiopia ayaa noqday taliyaha ciidanka howlgaka midowga Afrika ee Soomaaliya January-2019! sidaas awgeed falanqeeyeyaasha daraasaadka amniga geeska Afrika waxa ay qabaan  in magacaabistii General Tigabu Yilma Wondimhunegn ay suurtagelisay in ciidamo aan ka tirsaneyn howlgalka  ay joogaan xeryaha AMISOM, isla markaasna tacaddiyo ka geystaan Waddanka.

Walaaca laga qabo in ciidamadan loo adeegsado doorasahda xildhibaannada deegaannada ay ku sugan yihiin ayaa sii kordhaya sida ay hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradku muujiyeen May-2020,  Madasha Xisbiyada qaran ayaa war ay soo saartay waxa ay AMISOM iyo Golaha Ammaanka ugu baaqday in ciidamdan laga saaro Soomaaliya, lagulana xisaabtamo dembiyadii ay ka geysteen Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Xiriirka uu MW Farmaajo la leeyahay  Ethiopia oo loo arko dhaqan ku cusub hoggaanka Soomaaliya iyo safaradii dhowrka mar uu madaxweynuhu ku tegey AdibAbaba iyo Asmara ayaa dhaliyey welwel iyo walaac la xiriira in ciidnka Itoobiya uu sameyn karo  faragelin loogu daneynayo olelaha dib-u-doorashada MW Farmaajo, taas oo qalalaase abuuri karta.

Sida ay qabaan falanqeeyeyaasha siyaasadda iyo Nabadgelyada geeska Afrika Abiy Axmed Cali ra’isalwaasaaraha Itoobiya iyo madaxweyne Isaias Afwerki oo xukumaya dalka yar ee Eritrea illaa 1991-kii waxa ay qorsheeyeen in labadooda dalba ay madaxweyne Farmaajo u fidiyaan taageero walba oo suuragal ah oo ay kujirto fulinta faregin ciidan oo loogu danaynayo dib u soo doorashada MW Farmaajo hayeeshee qorshahaas waxa si weyn u xagal daaciyey weerarkii Alshabaab ku qaadday Saldhigga ciidanka Mareykanka ee deegaanka Manda Bay-Kenya kaddib markii la hakiyey qorshihii qabshada Degamada Bu’aale oo ay wada-taageerayaan Abiy & Isaias Afwerki.

Maxaa fashiliyey Qorshihii Abiy & Afwerki ee Bu’aale?

January-2020 waxa dhacay  weerarkii saldhigga Mellatery ee Mareykanka ee deegaanka Manda Bay oo ah Jasiirad kutaal dhul gaar loo leeyahay oo aad u deggan kanatirsan Lamu, Manda Bay  waa deegaan aad loo illaaliyo  ka caaggan Warbaahinta iyo indhaha sirdoonka,  weerarka waxa sheegtay dhaqdhaqaaqa Alshaab, sida ay daabacday New York times waxa uu sababay dhimashada 3 sargaal oo katirsan waaxda difaaca Mareykanka , laba qandaraas qaate oo la shaqeeya Wasaaradda gaashaandhigga  iyo burburka gaadiid kaladuwan oo uu lahaa saldhiggu, weerarkaasi waxa uu yaab iyo amakaag ku riday Komaandooska Mareykanka iyo ciidanka Kenya ee qaabilsanaa nabadgelyada Saldhigga, sida ay daabacday New York times waxa ay qaadatay 5 saac in dhaawicii ka dhashay weerarka loo qaado Isbitaal Millateri oo Mareykanku leeyahay kaas oo ku yaal Jibuuti, taas oo macnaheedu yahay in qiyaastii meel jirta 1500 Mayl gargaar looga raadiyey dhaawaca, Mareykanka oo weerarkaas laba maalin kahor 7 January-2020 qaarajiyey sarreeye-guud Qaasin Sulaymani waxa uu ka cabsi qabay in Iiraan ay ku lug leedahay weerarka iyo qaarajinta Askarta Mareykanka, sidaasna waxa shaaciyey New York times.

Safaaradaha Mareykanka ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa iskudeyey in ay sheegaan Sababta  weerarka iyo dhammaan saameeyeyaasha ku qarsoon daaha-gadaashiisa, waxa ay labaduba sheegeen in isku mashquulidda Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Xukuumadda dhexe ee Soomaaliya ay kaalin weyn kayihiin arrinta ayna ugu yaraan firaaqo iyo jawi wax lagu qorsheeyo siiyeen dhaqdhaqaaqa Alshabaab!

Weerarkaasi Axmed Madoobe iyo Deni waxa uu sameeyey sabab iyo galaangal siyaasadeed oo uga fiican kaalintii ay taagneeyeen kahor January-2020,

Stephen Townesend taliyaha ciidanka Mareyka ee Africom ayaa Madoobe kula kulmay Kismaayo 12-Feb-2020 maalin kaddibna Deni ayuu ku qaabilay Boosaaso.

Mareykanku waxa uu ogaaday in Abiy Axmed iyo Isiyas Afawerki ay kariyaan in Bu’aale iyo guud ahaan Jubbda dhexe ay gasho gacanta dowladda Soomaaliya si loo wiiqo xiriirka Jubbaland iyo Kenya loona yareeyo awoodda badan ee Kenya ku leedahay Jubbaland! sidaas awgeed waxa ay safaaradda Mareykanka ee Nairobi qaadatay galka howsha kala daadinta qorshaha Abiy iyo Afawerki ee ku wajahan dib u qaabeynta Jubbaland, ujeeddadu waxa ay ahayd in la kala illaaliyo isku dhac walba oo dhexmari kara labada isbaheysi ee ugu waaweyn ee Mareykanku ku leeyahay geeska Afrika oo ah Kenya iyo Itoobiya.

Abiy waxa gaartay farriin adag oo ah in Itoobiya lumin doonto lacag ku dhow 130 Milyan oo Mareykanku sanad walba ku kabo Miisaaniyadda Itoobiya, Afawerkina wax weyn looma arag waxaase la sii ogaa in uu raadinayo marti gelinta saldhig Melateri oo Mareykanku leeyahay hayeeshee waxa meesha tiil in Ismaaciil cumar Geelle mar hore ku guuleystay martigelinta & ka faa’iideysiga saldhiggaas, sidaas daraadeed Washintown waxa ay u tiqiin Afawerki in uu yahay Maxbuus kujira xabsi aan la muddeyn xilliga uu dhammaanayo,  islamarkaana aan xiriir fiican la lahayn Waddamada deriska la ah.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iyaduna qaadatay howsha ah in cadaadiska iyo cunaqabateynta Saaran Axmed Madoobe  ugu yaraan la qafiifiyo haddii aan meeshaba laga saari Karin sidaas awgeed waxa ay safaaraddu ka codsatay Villa Somalia in ay u aqoonsato  Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland, gefka dhacay waxa uu ahaa in aan madaxtooyada Soomaaliya la weydiisan xilli madaxeed buuxa iyo mid kala dhimman midna sidaas daraadeed aqoonsiga xilli-madaxeed kaladhimman ayay madaxtooyadu ku dhawaaqday

Haddaba Qalalaasaha kataagan gudaha Itoobiya iyo dib u Daad-gureynta Abiy Axmed ee 3,000 oo Askeri oo Itoobiyaan ah oo kujiray ciidda Soomaaliya Emeesha ma kasaari kartaa Rejada MW Farmaajo ee xilli-madaxeedka 2aad?

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post