888 Views

Banaanbax ka bilaawday Magaalada Beledweyne

Banaanbax ka bilaawday Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 11 |  2020—Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka bilaawday banaanbax ballaaran oo ay dhigayaan Shacabka magaalada.

Dadka banaanbaxa dhigaay oo isugu jirta dhalinyaro iyo dad waaweyn ayaa waxaa la sheegay inay kasoo horjeedaan qaabka loo wajahayo dhisida iyo arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxaa ay socod ku marayaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Beleweyne, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ay uga soo horjeedaan sida lagu wado arrimaha doorashooyinka.

Madaxda Sare ee dowladda Federaalka & Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayay ugu baaqeen in si waangsan loo dardargeliyo Arrimaha doorashooyinka Hir-Shabeelle maadaama mudada xilheynta Madaxda Hir-Shabeelle ay dhamaatay.

Beelaha dega hirshabeele ayaa isku heysta jagada uga sareeysa maamulka, iyada oo haatan u muuqanayso mid kasii dareysa.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post