855 Views

Puntland oo Galmudug ku eedeysay hurinta dagaalka Bariga Mudug

Puntland oo Galmudug ku eedeysay hurinta dagaalka Bariga Mudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 9, 2019 | QOL |   –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa marka hore waxaa uu baaq nabadeed u direy dagaalka deegaano hoostaga degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ku dhex-maraya labada maleeshiyo Beeleed.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in dagaalkaas hurintiisa ay qeyb ka yihiin MaamulkaGalmudug,isla markaana mid kamid ah Beelaha dagaalamaya ay u soo direen Gaadiid dagaal.

 

 

 

Isaga oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Garoowe Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamulo deris ah ay dadkooda xilligaan isku laayaan Aargoosi qabiil.

 

Si kastaba Galmudug dhankeeda ayaanan weli ka hadlin dagaalka Maanta markale ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,waxaana la sheegay in dagaalkii Maanta ay ku dhinteen dad ka badan 20 Ruux.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment