117 Views

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka hor yimid damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya

Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka hor yimid damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

War saxaafadeed baxay kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka, xubno ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal ee gobollada Waqooyi ayaa lagu diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo akhriyay bayaanka ka soo baxay kulan ayaa sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso taako kamid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed, lana aqbalo doonin heshiis beenaadka Addis ababa ku dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse  Biixi.

Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taageeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado, waxaan walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Waxaana shir saxaafadeed lagu sheegay in dhulka Soomaaliyed uu yahay dhaxal Ummadda Soomaaliyeed, ayna jirin cid gaar ah oo u xil saaran inay gorgortan kala gasho dowlad kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post