1269 Views

Waraabe dad ku laayey gobolka Tabora, galbeedka Tanzania.

Waraabe dad ku laayey gobolka Tabora, galbeedka Tanzania.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021

Wiil hal sano iyo badh ah ayaa waxaa dilay waraabe kaas oo sidoo kale dhaawacay seddex qof gobolka Tabora, galbeedka Tanzania.

Sida laga soo xigtay wargayska Mwananchi ee ka soo baxa dalka, Taliyaha Bilayska Gobolka Tabora, Safia Jongo ayaa xaqiijisay dhacdadan dhammaadkii usbuucan ka dhacday Tuulada Kangeme ee Degmada Kaliua.

Warbixin booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay in waraabuhu uu weeraray guri ku yaal tuulada abaare 9-kii fiidnimo isla markaana uu qaatay ilmaha, Waxyar kadib dhacdadii dadkii tuulada ayaa bilaabay baaritaan laakiin xayawaanka ayaa ka awood batay isagoo dhaawacay seddex qof.

Laba ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay xaaladoodu wanaagsan tahay halka mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato.

Booliska iyo saraakiisha duurjoogta ayaa la tacaalay waraabaha waxayna dileen iyaga oo ku riday 49 xabadood

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post