720 Views

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Puntland ee PSFoo Howlago ka sameeyay deegaanada gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin Al_Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada   Puntland ee PSFoo Howlago ka sameeyay deegaanada  gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin Al_Shabaab iyo Daacish.
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021

Wararka ka imaanaya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in  Ciidamada PSF ee maamulkaasi ay hawlgalo  qorsheysan ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay  deegaano ka tirsan gobolka Bari oo ay ku sugan yihiin Al_Shabaab iyo Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in Deegaanada howlgalada ay ka dhaceen ay ka midyihiin tuulada Geeso-qabad iyo degaanada hoostaga ee buuraha Cal Miskaat, oo ay ciidanka PSF heleen xogo sheegaya in degaanadan ay mararka qaar ku dhuumaaleystaan, islamarkaana ay isku ugaarsadaan Al Shabaab iyo Daacish sida ay sheegeen sarakiisha PSF ee mamaulka Puntland.

Sidoo kale Saraakiisha laamaha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post