1047 Views

Madaxweynaha Jubbaland” Xirsigii waa furmay”

Madaxweynaha Jubbaland” Xirsigii waa furmay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October10 -2019 —Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta kusoo dhaweeyay Magaalada Kismaayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay xayiraadii Sheekh Shariif.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Madaxweyne Sharif uu maalmo badan ku xayirnaa Magaalada Kismaayo falkaasna ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya oo ka hor istaagtay in uu ka baxo Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso Madaxdii hore ee dalka oo si weyn uga qeyb qaatay Hanaanka Nabadgaliyadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu ahaa aas aas u ahaa in xayiraada laga qaado Jubbaland waxaana uu yiri” Xirsigaasi waa furmay”

Xukuumada Soomaaliya ayaa ka qeyb gali doonin Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo doorashadiisa horay ugu tilmaamtay baadil.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment