768 Views

Koox ka mid ah Ciidankii Shiinaha ee ku sugnaa biyaha Soomaaliya oo ka baxay

Koox ka mid ah Ciidankii Shiinaha ee ku sugnaa biyaha Soomaaliya oo ka baxay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 17|  2020—Kooxda howlaha badda ee Shiinaha ayaa dib ugu laabtay magaalada dekedda leh ee Zhoushan ee bariga gobolka Shiinaha ee Zhejiang 14-kii Oktoobar ka dib markii ay dhammeeyeen howlahoodii ahaa galbinta maraakiibta rayidka ah ee Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Kooxda 35-aad ee galbinta Ciidanka Badda ee Dadka Shiinaha (PLA), oo ka kooban burburiye hage gantaalaha Taiyuan, maraakiibta gantaalaha Jingzhou iyo markabka sahayda keena ee Chaohu, ayaa galbiyay 49 markab oo Shiine iyo ajnabi isugu jira intii howlgalka socday.

Maraakiibta ayaa ka shiraacday Zhoushan 28-kii Abriil.

Kooxdii galbineysay waxay safreen in kabadan 100,000 oo mayl badeed intii lagu jiray safarkoodii 170-maalmood iyaga oo aan gaarin deked ay ku nastaan, taasoo taariikh cusub u sameysay markabka PLA Navy markasta oo howlgalka uu ka socdo badda.

Shiinaha ayaa bilaabay inuu soo diro maraakiibta ciidamada badda si ay uga fuliyaan howlgalada ilaalinta maraakiibta gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya bishii Diseembar 2008.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post