264 Views

Cali Jayte oo Balanqaad Cajiib ah u sameeyey Rag Ka Tirsan Kooxda Alshabaab

Cali Jayte oo Balanqaad Cajiib ah u sameeyey Rag Ka Tirsan Kooxda Alshabaab
____________________________________________________________________________

 Axad: December 18, 2022

Mid kamid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada ninka lagu eedeeyey inuu dilay Cabdinaasir Cismaan Nuunow oo kamid ah raggga la xukumay oo lagu ridday dil toogasho ah, sida ay ku dhawaaqday Maxkamaddu.

Cabdinaasir oo kasoo muuqday liiska dadka la xukumay ayaa Maxkamadda waxa ay shaacisay in uu dilay Marxuum Maxamed Xaashi Faarax oo ay sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani, gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha September 7-deedii sanadan 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan.

Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda , isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah.

‘Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi qaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay kiiskan wuxuuna ku baaqay in dib loo hubin lagu sameeyo kiiskan, dibna loogu laabto.

“Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Dhinaca kale hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay hadalka kasoo baxay Cabdullaahi Xaashi Faarax ee ku aadan facelintiisa xukunka ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Waa nasiib daro weyn in qof aan denbi gelin loo toogto qof kale oo denbiila ah si loo badbaadiyo denbiilaha dhabta ah waana arin soo jiri jirtey hadeyba tan dhab tahay waana fal laga argagaxo wllhi,” ayuu yiri Baashi Xasan oo ka falciyey qoraalka Cabdullaahi Xaashi.

“Adigu mar hadii aadan taagnayn qofka walalka dilayna aadan hebel oran karin se ku ogaatay inuusan ninkaani dilin ?” ayuu yiri wiil Facebooka ku soo gala magaca Philoşopher.

“Wa arin aad loga xumaado runtii” ayuu isna yiri Shaafici Hanad.

“Brother hadaa cadeyn ku heysaan askarigii dilay wiilka maxkamadiina kiisa weecisay yuusan askarigaas magaalka laafyoone halaga adeegto warkana halkaas haku xirmo.” ayuu yiri Mursal A. Warsame.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post