951 Views

SAWIRO:-Waare oo Safiirada Mareykanka & Uk kala hadlay Arrimaha fatahaadaha

SAWIRO:-Waare oo Safiirada Mareykanka & Uk kala hadlay Arrimaha fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2019 –Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa  kulan la qaatay Safiirada Dowladaha Ingiriiska, iyo Mareykanka Ee Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE, iyo Ambassador Donald Yamamoto.

 

Madaxweynaha Iyo Safiirada ayaa ka wada hadlay Sidii xal waara looga gaari lahaa fatahaadda ku soo noq noqday Magaalada Beledweyne iyo deegaanno ka mid Hirshabelle, iyo Sidii US iyo UK qeyb uga noqon lahaayeen mashaariicda horimarineed ee hakinta fatahaadaha.

 

 

 

Sidoo kale Madaxweyne Waare iyo Safiirada ayaa waxaa ay ka hadleen Dardargelinta Mashaariicda Somali Stabilty Fund ee HirShabelle (UK), iyo arrimo kale oo la xiriira dib u dhiska iyo horumarinta Hirshabeelle.

 

Deegaano badan oo katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa sanadkii labaad oo xiriir ah ka dhacay fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle haba ugu darnaatee  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment