1668 Views

Somaliland oo soo bandhigtay ciidan iyo gaadiid dagaal

Somaliland oo soo bandhigtay ciidan iyo gaadiid dagaal
____________________________________________________________________________

Hargeysa | QOL | August 27, 2018 – Maamulka Somaliland ayaa gobolka Sool ku soo bandhigay ciiidamo iyo gaadiid dagaal oo ka soo goostay Maamulka Puntland, saraakiil ayaa hoggaamineysay ciidanka iyo gaadiidka dagaal ee ka soo baxay Puntland ee ku biiray ciidanka Somaliland.

Sarkaalka ciidanka horkacayay oo warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay sababaha ay ugu soo baxeen Puntland, sidoo kale waxa uu sharaxaad ka bixiyay shaqooyinka ciidanka uu hogaaminayo ay ka qaban doonaan gobolka Sool.

“Annaga oo ka nimid God-qaboobe, waan soo wareegnay, meeshaa dadka jooga waxaan leenahay waa la qalday, haka waantoobaan, dadkeena iyo dalkeena ayaanu soo aadnay, waana ogaanay inaanu meesha waxba ka jirin”. Ayuu yiri saraalka u hadlay ciidanka soo goostay.

Abaanduulahay Qeybta 7 aad ee ciidanka Somaliland ee ku sugan gobolka Sool Gashaanle Dhexe Ibraahim Ashkay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidankan ku soo biiray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay guud ahaan soo afjari doonaan dagaalka ka dhanka Puntland ee ka socda Sool iyo Sanaag.

Maamulada Somalialand iyo Puntland ayaa mudooyinki dambe ku dagaalamaayay degaano ka tirsan gobolka Sool, waxaana dagaaladaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo shacabka degaanada lagu dagaalamay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment