1014 Views

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Amaro dhanka Amniga ah

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Amaro dhanka Amniga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 09, 2019 —Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga Amniga ayaa waxaa ay kasoo saareen amaro dhinaca Amniga oo la farayo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidleyda  ku nuul Magalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Eng Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow) iyo Xubnaha Guddiga Amniga Gobolka Banaadir,waxana kulankaas uu daba socday,kadib falal amnidarro oo ka dhacay Magalada Muqdisho.

 

Amarda laga soo saaray Kulankaas ayaa waxaa Warbaahinta u sharaxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,waxaana uu sheegay in marnaba Magalada Muqdisho aan lagu arki karin askarta ku labisan dareeska Millateriga,waxaana qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda uu ka dalbaday inay joojiyaan ilaaladooda oo mararka qaar lagu arko gudaha Magalada.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray Milkiilayaasha gaadiidka sida bajaajta iyo gaadiiska kale,isaga oo sheegay inay gaadiidkooda diiwaangeliyaan,isaga oo sheegay in ddka iska iibiya gaadiidkooda u diiwaangashan dhibaatadii lagu geysta ay mas’uuliydooda qaadi doonaan.

 

Amaradaan ku saaban dhanka amniga gaar ahaan in Magalada Muqdisho aan lagu arki Karin Askarta ku lkabisan dareeska Ciidanka Millateriga ayaa horay waxa u soo saaray Wasiirka Amniga Soomaaliya,hayeeshee amarkaas uusan dhaqan gelin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment