705 Views

Wariye ka tirsan BBC-da Sarah Rainsford oo laga cayriyay dalka Ruushka

Wariye ka tirsan BBC-da Sarah Rainsford oo laga cayriyay dalka  Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 1, 2021

Weriyaha BBC -da ee Moscow, Sarah Rainsford, ayaa ka tagtay Ruushka, iyadoo mas’uuliyiintu ay ceyriyeen ka dib markii lagu tilmaamay inay halis ku tahay amniga qaranka.

Ms Rainsford ayaa markii ugu horreysay BBC uga soo warrantay BBC dalkaasi in ka badan labaatan sano ka hor, waana markii uu Vladimir Putin xukunka qabtay. Waxaana loo sheegay inaysan dib ugu soo laaban karin dalkaasi.

Xukumada Moscow ayaa sheegtay in tani ay jawaab u tahay kadib markii weriye Ruush ah dalka UK laga soo ceyriyay laba sano ka hor. Laakiin tallaabadan ayaa imaanaysa xilli cadaadis xooggan lagu hayo saxafiyiinta madaxa -bannaan iyo dadka u dhaqdhaqaaqa mucaaradka gudaha Ruushka. (Ms Rainsford waxay sheegtay inay u egtahay in laga soo masaafuriyay hoygeeda labaad.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post