1086 Views

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada oo goor dhawayd Isgoyska Blacksea ku dilay darawal Mooto Bajaaj..

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada oo goor dhawayd  Isgoyska Blacksea ku dilay darawal Mooto Bajaaj..
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Wararka ka imanaya Isgoyska Blacksea ayaa sheegaya in goor  dhawayd  Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya uu halkaasi ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Goobjooge ku sugna Goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii askariga uu ka codsaday wadaha Mooto bajaajta in uu qaado, hayeeshee uu diiday, sidaasina askariga uu dhowr xabadood madaxa uga dhuftay.

Darawalka Mooto Bajaajlaha ahaa ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaashi Cumar Carabeey, waxaana ehelladiisa ay sheegeen in meydka la geeyay Xarunta Haya’dda dambi barista ee CID.

Ciidamo ka tirsa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, waxana la sheegay in uu ka baxsaday goobta askarigii dilka geestay.

Sidoo kale Dilalka askarta ka tirsan Ciidamada dowladda ay u geysanayaan Darawalada Mooto Bajaajta ayaa inta badan ka dhaca degmooyinka Gobolka Banaadir, in kastoo bilihii la soo dhaafay ay aad u yaraadeen

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post