984 Views

Ururkka Xamaas oo gantaallo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Israa’iil ku garaacay magaalooyinka

Ururkka Xamaas oo gantaallo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Israa’iil ku garaacay   magaalooyinka
____________________________________________________________________________

May 17 2021

 

Dhawaaqa qalabka bixiya digniinta ayaa la maqlayay koonfurta Israa’iil daqiiqo kadib markii dhaqdhaqaaq hubeysan oo ka dagaallama Qaza ay sheegeen in gantaallo ay ku garaaceen halkaas.

Dhaqdhaqaaqan oo lagu magacaabo Izzedine al-Qassam kana tjrsan Xamaas ayaa sheegay in gantaallada ay ku rideen halkaas ay jawaab u aheyd duqeymo ay Israa’iil xaley ka fulisay Qaza.

Sidoo kale Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in dhawaaqa qalabka bixiya digniinta laga maqlay magaalooyinka Beersheba, Ashdod iyo Ashkelon.

Dhinaca kale Dhakhaatiirta ku sugan Israa’iil waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen gantaall laga soo tuuray dhinaca kadib markii uu ku habsaday dhismo ku yaalla magaalo dhacda koonfurta Israa’iil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post