627 Views

Kooxo hubeysan oo 31 qof ku dilay Dalka Mali

Kooxo hubeysan oo 31 qof ku dilay Dalka Mali
____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

 Kooxo hubeysan ayaa bartamaha dalka Maali waxa ay weerar ku qaadeen bas ku sii jeeday suuq maxalli ah, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 31 qof.

Maamulka Mali ayaa sheegay in baska la bartilmaameedsaday uu todoobaadkii laba goor ka soo baxo tuulada Songho. Waxa ay sheegeen in kooxda hubeysan ay dileen darawalkii gaariga, kadibna ay dab qabadsiiyeen baska,halkaas oo ay ku dhinteen dadkii la socday.

Tuulooyinka uu u kala goosho baskan ayaa waxay ka tirsan yihiin gobolka Mopti, halkaasoo sannadihii u dambeeyay ay ka dhaceen rabshado, kuwaas oo ay ka dambeeyeen fallaagada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post