1821 Views

Wasiir Katirsan Hirshabelle Oo Geeriyooday

Wasiir Katirsan  Hirshabelle Oo Geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2018 –Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa caawa ku geeriyooday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Saciid Xaashi Tooxow.

Warkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekadaha maamuka Hirshabeelle Xuseen Maxamed Tuuryare.

Qaar ka tirsan ehelada marxuumka ayaa waxa ay sheegeen marxuumka maalmahan inuu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, ugu dambeyna uu caawa ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Madaxda maamulka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Ganacsiga Hirshabeelle.

Waxaa socda qorshe aas qaran loogu sameynayo marxuumka, waxaana qaban qaabada aaska wada ehelada marxuumka geeriyooday iyo qaar ka tirsan Wasiirada Hirshabeelle.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment