2103 Views

Akhriso Wareegto :-Maareeyaha Guud Ee Hey’adda Duulista Oo Shaqada Laga Joojiyey

Akhriso Wareegto :-Maareeyaha Guud Ee Hey’adda Duulista Oo Shaqada Laga Joojiyey
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 10, 2018 –Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa Shaqa joojin loogu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle(Yuusuf Jaale)

Wareegtada ayaa waxaa la ogeysiiyey ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda,Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in Shaqa joojin lagu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Sidoo kale waxaa loo cugsaday Shaqa joojintaas,in ay muhiim noqotay in la dardar geliyo shaqada Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada,iyo marxaladaha xasaasiga ah ee uu marayo dib ula soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya

Sidoo kale waxaa xilkii Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada si KMG ah loogu dhiibay in uu u sii hayo ku xigeenka Maareeyaha Mudane Axmed Macalin Xasan.

 

Hoos Ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada xukuumadda Soomaliya.

QQQ Q1

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment