1056 Views

xisbiga Oromo Federal Congress (OFC) oo walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee Jawaar Maxamed iyo saddex qof oo la xiran kuwaas oo cunta ka soomay

xisbiga Oromo Federal Congress (OFC) oo  walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee Jawaar Maxamed iyo saddex qof oo la xiran kuwaas oo cunta ka soomay
____________________________________________________________________________

.

Sabti: 13/2/2021

Mas’uuliyiinta ka tirsan xisbiga Oromo Federal Congress (OFC) ayaa walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee Jawaar Maxamed iyo saddex qof oo la xiran kuwaas oo cunta ka soomay.

Tiruneh Gemta oo ka tirsan golaha fullinta ee xisbigaas ayaa BBC u sheegay in Jawaar Maxamed iyo ragga kale ee xiran ay xanuunsan yihiin.

Wuxuu sheegay in uu booqday maxaabiista Isniintii, “Xitaa ma hadli karaan, waxay u baahan yihiin adeeg caafimaad”

Tiruneh Gemta ayaa sidoo kale sheegay in Jawaar Maxamed uu xitaa garan waayay hooyadiisa oo xabsiga ku booqatay.

“Waxaan u tegay Isniintii, xitaa ma hadli karin.. Jawaar Maxamed wuxuu garan waayay hooyadiisa oo booqasho ugu tegtay”

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in dowladda Itoobiya ay cadaadis ku saaraan sidii loo soo deyn lahaa siyaasiyiinta.

Siyaasiyiintan ayaa gadoodka cunto ka soomidda ah sameeyay si ay uga mudaharaadaan xarigooda iyo sida warbaahinta loogu diiday inay xogtooda helaan.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post