Muqdisho, April 13, 2016: Dad gaarayaa Afar ruux ayaa ku geeriyootay qarax bambaano oo maanta duhurkii ka dhacay suuqa xoolaha degmada Afgooye, iyadoo qaraxa lala beegsaday ciidamo canshuur ka qaadayay suuqaas
Wararka ka imaanayaa Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada ay rasaas fureen, kadib markii qaraxa bambaano lagu weeraray, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee suuqaas.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in afarta ruux ee geeriyootay uu ku jiro askari ka mid ahaa kuwii canshuurta qaadayay, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobta waxaa kale oo ay waxyeelo soo gaartay xoolo dhowr ah oo ka mid ahaa kuwii lagu iibinayay suuqa, iyadoo maalinta Arbacada uu aad u camiran yahay suuqyada Afgooye.
Maamulka degmada Afgooye ayaa wali wax war ah ka soo saarin qaraxan, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo gaaray halka qaraxa ka dhaceen ay baaritaan ka sameeyeen, inkastoo aan la sheegin in dad u soo qabteen iyo in kale; balse waxa la sheegayaa in baritaanno ay socdaan.
.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________