885 Views

Ganacsatada Puntland oo bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga

Ganacsatada Puntland oo bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga
____________________________________________________________________________

.

June 8 2021

Qaar kamid ah Ganacsatada Puntland, ayaa bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay ka socon-wayday gudaha Puntland.

Xubno ka tirsan Ganacsatada ayaa u sheegay Puntland Post in laga aamin-baxay isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, islamarkaan aysan hadda ka shaqayn dhammaan magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale, guddiga xukuumadda Puntland u xil-saartay socod-siinta Lacagta Shilinka oo go’aanno kala duwan ka soo saaray arrintan ayaan weli isbeddel muuqda keenin.

Tallaabadii u dambaysay oo guddigaas qaaday waxay ahayd xannibaad uu saaray Dollar-ka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro, taas oo wixii hal dollar ka la joojiyay, inkastoo aysan faa’ido soo kordhin.

Waxa xusid mudan, in go’aankaas u dambeeyay uu culays horleh ku keenay Ganacsiga iyo iibsiga adeegyada as’aasiga u ah nolosha dadweynaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post