639 Views

Ebrahim Raisi oo Noqday madaxweynaha Iiraan doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday waddanka Iran

Ebrahim Raisi oo Noqday madaxweynaha Iiraan   doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday waddanka Iran
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Ebrahim Raisi oo ahaa musharrax madaxweyne ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Jimcihii ka dhacday waddanka Iran, kaddib markii uu ka adkaday musharraxiintii la tartameysay oo uu ka mid ahaa madaxweyne Hassan Rouhani, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Khudbad uu ka jeediyay telefishanka ayaa Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Hassan Rouhani wuxuu u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay, isagoon magacaabin.

“Maadaama aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada, waxaan dib u dhigi doonaa hambalyada rasmiga ah, laakiin way iska caddahay cidda heshay codadka,” ayuu yiri Rouhani.

Malaayiin reer Iran ah ayaa codeeyay Jimcihii tartan la filaayay in Raisi oo ah 60 jir garsoore sare ah uu madaxtinimada ku guuleysto.

Madaxweynaha la doortay ee Iran waxaa Mareykanku hore u saaray cunaqabateyn, kaddib markii lagu soo eedeeyay xadgudbay xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dil maxaabiis siyaasadeed tobaneeyo sano kahor.

Musharaxiinta kale ayaa iyaguna u hambalyeeyay Raisi.

Sida ay qortay walaalada wararka ee Reuters, Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ahayd inay ku dhawaaqdo natiijada ugu dambeysa maalinta oo Sabtida iyadoo tirinta codadka ay sii socoto. TV-ga dowladda ayaa sidaas sheegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post