1194 Views

Maraykanka oo sheegay in Taalibaan muwaadiniin Maraykan ah ka celisay inay galaan garoonka diyaaradaha kabul

Maraykanka oo sheegay in Taalibaan  muwaadiniin Maraykan ah ka celisay inay galaan garoonka diyaaradaha kabul
____________________________________________________________________________


Talaado: August 31, 2021

Shir jaraa’id oo uu goor sii horeysay qabtay, Jeneral McKenzie, oo ah madaxa ciidamada Mareykanka ayaa wuxuu ku xaqiijiyay inay jiraan qiyaastii 100-250 qof oo u dhashay Mareykanka oo aan imaan karin garoonka waqtigii loogu talagalay ama aan diyaarad raaci karin.

Mid ka mid ah ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in Taalibaan ay dad badan u diiday inay u gudbaan dhinaca kale. Waxa uu sidoo kale la sheegay inuu la hadlay dad badan oo ay arrintaan qabsatay oo halkaas ku xayirmay sida uu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

BBC -da si madaxbannaan uma xaqiijin eedaha uu soo jeediyay askariga.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxa uu meel mariyay qaraar ugu baaqaya Taalibaan in ay hubiyaan nabadgelyada marinka ay marayaan dadka isku dayaya in ay ka baxaan Afghanistan.

Militariga Mareykanka ayaa soo afjaray daadgureyntii ay ka wadeen Afghanistan, taas oo ka dhigan in uu soo dhammaaday ololihii uu bilaabay George W Bush wixii ka dambeeyay September 11-keedii labaatan sano ka hor.

Rasaas dabaaldeg ah oo ay ridayaan Taliban ayaa la maqlayey kadib markii diyaaraddii ugu dambeysay ee Mareykanku leeyahay ay duushay.

BBC

Office Naikrobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post