819 Views

Xog Cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Beledweyne & sababta ka dambeysay

Xog Cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Beledweyne & sababta ka dambeysay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Sida lagu daabacay Kenyans.co.uk Mareeyaha Guud ee diyaaradii shalay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in diyaarada ay burburto uu sabab u ahaa Dameer oo soo galay dhabaha ay kusoo dageysay diyaaradda.

Waxaa uu sheegay Kabtan Xuseen Maxamed in diyaaradaasi oo ay leedahay Shirkadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya ay siday shixnad gargaar ah iyo sahay ay u waday Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Beledweyne,isla markaana ay dhacdadaasi qabsatay.

In kastoo aysan ka dhalan khasaaro nafeed diyaarada burburtay ayaa waxaa ka dhashay mid hantiyadeed maadaama diyaarada ay gubatay,waxaana kabtanka uu cadeeyay in sabab uu u ahaa dameerka oo galay dhabaha ay diyaarada ku dageysay.

“Diyaaradeena waxaa ay cunto iyo agab kale u waday Ciidamada Jabuuti ee AMISOM,waxaana diyaarada ay aroortii hore ka timid dalka Jabuuti laakin nasiib wanaag dhamaan Shaqaalaha Diyaaradda waa ay nabad qabaan ayuu yiri ” Kabtan Xuseen.

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa inta badan sahayda looga keenaa Gudaha dalkooda,waxaana ay ka qeyb qaataan howlgallada ay Ciidamada Dowladda ka sameeyaan deegaannada Gobolka Hiiraan

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post