1395 Views

Nabadsugida Somaliya Oo Sheegatay In Ay Sh/Hoose Ku Dileen Rag Katirsan Al Shabaab

Nabadsugida Somaliya Oo Sheegatay In Ay Sh/Hoose Ku Dileen Rag Katirsan Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018—Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA,ayaa sheegtay in howlgal xalay ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay ku dileen xubno ka mid ah AL-shabaab.

Qoraal lagu qaabacay Bogga Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu dilay lix ka mid ah AL-shabaab lana soo qabtay Ninkii madaxda u ahaa.

Waxaa kale oo Nabad Sugidda intaas ku dartay in ay Raggaasi qorsheynayeen weerar ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Indha qarshe ayaa sheegay in ay ka aargudanayaan AL-shabab kaddib dilkii ay AL-shabab ku geysteen saraakiishii Guutada 12ka April ee ku dhintay qarax miino oo ku qabsaday degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment