807 Views

Puntland oo ka laabatey Amar ay horey u soo saartey

Puntland oo ka laabatey Amar ay horey u soo saartey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Arbaco    , March 25, 2020 —Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaadey in uu ka laabtey Amar ay horey u soo saareen oo ahaa in la xiro dhamaan masaaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka, si looga fogaado faafidda Cudurka Coronavirus.

 

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay,kadib markii Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo kulan xasaasi ahaa la qaatey Culimada Masaajida,isaga oo u sheegay inay qafiifiyeen go’aankii ahaa in la xiro Masaajida.

 

 

 

Wasiirka oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu sheegay inay go’aan ku gaareen iyaga iyo culimadda in Masaajida ay furnaadaan,hayeeshee la xiro musqulaha iyo qeybta weesada ee Masaajidda lana ilaaliyo nadaafadda.

 

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in go’aankaan aan wax iska bedeli doonin hadii aan kiis ku saabsan Cudurka coronavirus laga helin Gudaha deegaannada puntland,waxaana uu Culimada ugu baaqey inay kaalintooda ka qataan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

 

Warar horey u soo baxey ayaa waxaa ay sheegayeen in inta badan Culimada ku nool deegaannada Puntland ay ka biyo diideen go’aankii Wasiirka Cadaaladda Puntland ee ahaa in la xiro Masaajidda,taas oo keentay in uu la kulmo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment