513 Views

Booliiska Los Angeles oo ka hadlay dharbaaxadii uu geystay Will Smith

Booliiska Los Angeles oo ka hadlay dharbaaxadii uu geystay Will Smith
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Kadib dharbaaxaddii uu atoore Will Smith ku dhuftay majaajiliiste Chris Rock ayay booliiska sheegeen in ay ka war hayaan wixii ka dhacay munaasabaddii abaalmarinta aflaamka ee Oscars.

Booliiska Los Angeles oo magacooda loosoo gaabiyo LAPD ayaa sheegeey in Chris Rock uu diiday in uu furto gal dacwadeed ka dhan ah Smith.

Dhanka kale Will Smith oo ku guuleystay abaalmarinta atooraha ugu wanaagsan oo uu ku heley filimkiisa King Richard, ayaa raaligalin ka bixiyay dharbaaxaddii uu ka geystay masraxa, balse ma uusan soo magac qaadin Rock oo ah ninka ay dharbaaxada ku dhacday.

Chris Rock ayaa ku kaftamay timo la’aanta xaaska Smith oo lagu magacaabo Jade, taas oo ay timaha uga gurmeen sababo la xiriira xanuun muddo hayay awgeed.

Waxaa la arkayay Will Smith oo aad u caraysan o oleh ‘aflaaga ka duw xaaskayga”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post