858 Views

Kheyre oo Kuwait kala hadlay taageerada Xakameynta Covid 19

Kheyre oo Kuwait kala hadlay taageerada Xakameynta Covid 19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 25 2020–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan dhanka qadka ah la yeeshay dhigiisa dalka Kuweyt.

 

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga labadda dal, sidoo kale sidii dowladda Kuweyt ay Soomaaliya uga taageeri laheyd dadaallada looga hortagaayo Cudurka Corona virus ah ee dunida oo dhan Sameeyay.

 

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay Arrimaha Amniga, dhaqaallaha iyo Siyaasadda dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

 

“Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa khadka teleefanka wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Kuwayt Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Kheyre.

 

Warka ayaa intaasi kusii daray “Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka ah ee Covid 19.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment