1404 Views

Sawiro:–Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Shir Uga Qeyb Galay Dalka Turkiga

Sawiro:–Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Shir Uga Qeyb Galay Dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen dhammaan madaxda Maxkamaddaha Sare iyo Dastuurka ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirkan oo diirada lagu saaray marxaladaha garsoorka dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Shirka ayaa waxaa lagu dhisay madal kulmin doonta Maxkamaddahan,sidoo kale waxa ka soo baxay war-murtiyeed diirada lagu saaray arrimiha sida weyn shirka looga  hadlay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo shalay khudbad ka jeediyay shirka ayaa si faah faahsan uga hadlay marxaladaha uu Garsoorka Soomaaliya soo maray, sida uu u soo kabanaayo.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa xusay halka uu hiigsanaayo  hannaanka caddaalda iyo Garsoorka dalka Iyo kaalinta uu ku leeyahay dhowrida sharciga iyo xuquuqda aadamaha.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment