990 Views

dowladda soomaaliya oo xareynaysa maanta guddiga doorashooyinka heer federaaal heer dowlad goboleed

dowladda soomaaliya oo xareynaysa maanta  guddiga doorashooyinka heer federaaal heer dowlad goboleed
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: June 24 2021

Waxaa lagu wadaa in  Maanta oo Khamiis ah in  qorshu yahay in dowladda federaalka soomaaliya ay xareyso guddiga doorashooyinka heer federaaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddigan ayaa ka kala socda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowlada federaalka, waxaana maanta u furmaya tababar socon doono muddo afar maalmood, kaasi oo ku eg 27 bishan.

Guddigan ayaa shaqadooda ah diyaarinta soo xulista odayaasha soo dooran doono xildhibaanadda soo socda iyo xalinta Khilaafkii soo kordha inta lagu guda jiro howsha loo xilsaaray.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post