3015 Views

Ka qeyb qaado una hiili horumarka Degmada DAYNIILE.

Ka qeyb qaado una hiili horumarka Degmada DAYNIILE.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 21, 2018 – Shir ay isugu yimaadeen Hogaanka dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, Ganacsatada, dhalinyarada iyo Dumarka ayaa maanta lagu qabtay Demada Dayniile.

Shirkan oo ay muhiimadiisu ahayd sidii loo horu marin lahaa deegaanka degmada Dayniile, madaama ay degmadu ka mid tahay degmooyinka ugu liito xaga horu marka Bulshada iyo Amniga.

Ugu horayntii waxaa shirka furay Gudoomiyaha Cusub ee degmada Dayniile, MAXAMED ABUUKAR CALI oo looyaqaan (JACFAR), soo dhawayn iyo mahadnaq kadib, wuxuu sheegay in uu u bahan yahay in la garab istaago si loo helo adeegyada ay u bahan tahay degmada, wuxuuna balan qaaday in uu ku qaban doono gacan adag kuwa diidan horu marka degmada, uuna u shaqayn doono shacabka ubaahan kaalmadiisa.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay shaqsiyaad isugu jiray, Siyaasiyiin, waxgarad, Ganacsato iyo aqoonyahano, waxaana hoosta laga xariiqay in degmadu ubaahantahay wax qabad deg deg ah, si loo helo Amni iyo horu mar wax ku ool ah.

Degmadu waxay aad uga liidadaa xaga horumarka adeegyada arimaha bulshada iyo amniga, waxaana aad looga hadlay sidii loo horu marinlahaa degmada, si shacabka kunool ay uheli lahaayeen adeegyada danta guud oo ay ubaahan yihiin, adeeg yadaasi oo kala ah kuwan.

  1. Iskuulo Hoose, Dhexe iyo sare
  2. MCH – yo lagu horu mariyo Caafimaadka bulshada
  3. Laamaha amniga oo laxoojiyo, si loo helo Amni lagu kalsoonaado.
  4. In shacabka lagu baraarujiyo in ay dhistaan dhulkooda, si deegaanka u fido.
  5. In jidad loo sameeyo dhulalka aan weli deegaanku gaarin, si loo sahlo isu socodka shacabka.

Hadaba, Somaalidu waxay tiraahdaa “meel hoo ubaahan, hadal waxba uma taro” si loo sugu Amniga iyo Horu marka dayniile, waxaa loo bahan yahay in sida wada jir ah looga wada shaqeeyo, horu marka degmada, si loo kobciyo Horu marka dhaqaalaha iyo adeegyada dadwaynaha, lana helo amni ay ku kalsoonaan karaan shacabka ku nool degmada Dayniile.

Ugu dambayn, shirkani ma wuxuu noqon doonaa mid aan wax soo saar lahayn, sidii kuwii ka horeyey, mise wuxuu noqon doonaa mid wax ka bedeli xaalada ay ku sugantahay degmada dayniile, maadaama ay degmada ka muuqato Amni xumo iyo horu mar la’aan baahsan.

Waxaa la isku raacay oo la xaqiijiyey in Gudoomiyaha Cusub uu wax badan ka beli doono Xaalada degmada, hadii uu helo kaalmada uu u baahan yahay, maadaama uu yahay shaqsi horey loo arkay wax qabadkiisa iyo dadaalkiisa.

Waxaana la magacaabay gudi ka kooban 21 qof oo isugu jira Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qaar ka mid ah hogaamada dhaqanka.

Gudoomiyaha Cusub, wuxuu u baahan yahay 3 shay, hadii uu helo waxaa xaqiiq ah in uu ka samayn doono isbedel muuqda degmada Dayniile, Jacfar wuxuu u baahanyahay 3 shay oo kala ah,

  1. Hiil walaal
  2. Hoo walaal iyo
  3. Hagar la’aan walaal

Waxaana mudan in la iswaydiiyo, Goormee ayey horu mar iyo Amni gaari doontaa deegaanka dayniile?

 

.

W/Q Cumar Farah

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment