1929 Views

Sawiro:-Gudoomiye Yariisow Oo Kormeer Ku Tegay Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir

Sawiro:-Gudoomiye Yariisow Oo Kormeer Ku Tegay Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 02, 2019 –Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane;  Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in Al-shabaab ay beegsanayso nafta iyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, halka uu maamulka Gobolka banaadirna u taagan yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan, Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo Bullaacadda No4 oo dhammaantood howlo shaqo oo dib loogu dhisayo uu Maamulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen Al-shabaab, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii shabaab la beegsadeen.

Al-shabaab waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Bullaacadda No4 oo dib loo howlgeliyey, maadaama loo diyaar garoobayo waqti roobaadka.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa xoogga saaray dib-u-dhismaha xarumaha muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo fursado shaqo ay ka heleen muwaadiniin Soomaaliyeed..

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment