99 Views

Kacdoon xooggan ayaa ka socda gobolka Amxaaradda iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya oo is casilay

Kacdoon xooggan ayaa ka socda gobolka Amxaaradda iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Itoobiya oo is casilay
____________________________________________________________________________

ADDIS ABABA — Kacdoon xooggan oo looga soo horjeedo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ka socda gobalka Amxaaradda ee dalka Ethiopia xili uu maanta xilka iska casilay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii ahaana wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Demeke kaas oo Abiy Ahmed ay saaxiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020kii.

Waxaa la arkayay Muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke kuwaas oo raasaas ridaya.

Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay ka soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurnimada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo Shacabka Itoobiya ee hadda diidan Xukunkiisa.

.

Xigasho: SONNA

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post