396 Views

Taliska Booliiska Beledweyne oo faah-faahin ka bixiyay dil ka dhacay magaaladaas

Taliska Booliiska Beledweyne oo faah-faahin ka bixiyay dil ka dhacay magaaladaas
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada  Baladweyne Laba Xidigle Bishaar Xuseen Jmcaale oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada ayaa ka hadkay dilkii magaaladaas loogu geystay mid ka mid ahaa Nabadoonda ku dhaqan halkaas oo lagu magacaabi jiray Cali Dheere.

Taliyaha ayaa sheegay in kadib baaritaano ay sameeyeen laamaha ammaanka ay dad usoo qabteen dilkii xalay Xaafada Xaawo-taako loogu geeystay Nabadoon Cali Dheere oo kamid ahaay Waxgardka Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in dadkaas ay usoo qabteen dilka marxuumka ay ku wadaan baaritaano la xiriira dilka, isagoo xusay in markale warbaahinta ay lasoo wadaagi doonaan wixii kusoo kordha baaritaanada ay ku wadaan kiiskaan.

Taliye Bishaar ayaa loo magacaabay 09-kii bishii April ee sanadkaan Taliyaha Saldhiga Booliiska Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana muuqan qorshe cad oo wax looga qabanayo dilalka qorsheysan oo muddooyibkii ugu dambeeyay ka dhacayay magaaladaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post