777 Views

Cabdiweli Gaas “Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, Farmajo dadka Caburinta haka daayo.

Cabdiweli Gaas “Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, Farmajo dadka Caburinta haka daayo.
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

 Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay baaqyo ku aadan in la Hakiyo Colaada u dhaxaysa Musharixiinta iyo Dowlada waqtigeedii dhamaaday.

Waxaa arintaas ka hadlay Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)  ahaana Raisal wasaarihii  Dowladii shekh shariif.

Gaas ayaa waraysi siiyay TV-ga Universal waxa uuna  si adag kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda adag ee magaalada Muqdisho.

Gaas ayaa wareysigan taageero ugu muujiyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in laga qaldan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanbaxa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuqraadi ah dhacdo,” ayuu yiri Mudane Cabduweli Gaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay dibad-baxa ay abaabulayaan uu ka dhashay rajo xumo laga qabo in ay dhacdo doorasho dimuqraadi ah

Hadalka gaas ayaa ku soo aadaya Xili Madaxweynaha Puntland Deni uu sidaan oo kale Hadalo kulul u mariyay Warbaahinta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post