1077 Views

Xarun ay ka socotay olole doorasho magaalada Laascaanoodoo Somaliland oo la weeraray

Xarun ay ka socotay olole doorasho magaalada Laascaanoodoo Somaliland oo la weeraray
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya magaalada laascaanood ee deegaanada Somaliland oo xalay Weerar lagu qaaday Xarun Doorasho.

Xarunta gobolka Sool ee ololaha doorashada Somaliland. Ayaa la shegay in xalay ay Rag hubeysan ku qaadeen Weerar, waxaana ka dhashay qasaare.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, isla-markaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu qaaday xarun ay ka socotay olole doorasho, isla-markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Goobta la weeraray ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xafiis ku leeyahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ah musharrax u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka intii uu socday rasaas xoogan laga maqlay goobta, waxaana ka dhashay khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray shacabkii ku sugnaa xarunta, kuwaas oo qaarkood la dhigay goobaha caafimaad ee Laascaanood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post